Axad, November 2, 2025 (HOL) - Taliska ciidanka Nabadsugida maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay xubno oo ka tirsana maleeshiyaadka Al-shabaab oo isa soo dhiibay.
Raggan ka tirsana kooxda Al-Al-shabaab oo tiradoodu aheyd sadax xubnood oo dhalinyaro ah ayaa la tilmaamay in kooxdu ay u qaabilsanayeen dhanka waxa loogu yeero Jabhadaha.
newsinsideXubnahan isku soo dhiibay gacanta ciidanka Nabadsugida maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay sheegeen iney ku faraxsan yihiin iney isaga soo baxaan maleeshiyaadka Al-shabaab oo ay isku soo dhiibaan gacanta dowladda.
“Waxay ka sheekeyeen dhibaatooyinka khawaarijta ay ku hayaan dadka shacabka ah oo kamid yihiin boobka hantida shacabka, caruurta yer yer ay xooga ugu ka haysanayaan waalidiintooda, cadaalad darada ka been sheegida diinteena suuban” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Nabadsugida Konfur galbeed.
Ragaan ka tirsanaa Al-shabaab ee isku soo dhiibay ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe ay si weyn u soo kordhayeen tirada maleeshiyaadka Al-shabaab isaga soo cararaya ee isku soo dhiibaya gacanta dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.