Axad, November 2, 2025 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka kiis uu eedeysane ka ahaa Cabdiqaadir Maxamuud Xasan, oo ka tirsanaa hay’adda Nabadsugidda Jubbaland (NISA), kaas oo lagu eedeeyay in uu dil u geystay Aadan Maxamed Madey.
newsinsideFadhiga maanta ee maxkamadda ayaa ahaa mid lagu soo gabagabeeyay dhageysiga kiiska oo horey laba jeer loo fariistay, waxaana xukunka ku dhawaaqay Gaashaanle Dhexe Cabdiaziz Maxamed Dhagajuun, oo ah guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Jubbaland.
Goobta ay maxkamadeeyntu ka dhacday waxaa goob joog ka ahaa ehellada labada dhinac ee marxuumka iyo eedeysanaha, kuwaas oo si dhow u dhageystay go’aanka garsoorka.
Kadib markii la sheegay xukunka, ehellada labada dhinac ayaa warbaahinta u sheegay inay ku qanceen xukunka ay soo saartay maxkamadda ciidamada Jubbaland, taas oo ay ku tilmaameen mid cadaalad ku dhisan.
Maxkamadda ciidamada ayaa marar badan sheegtay in ay sii wadi doonto la xisaabtanka xubnaha ciidamada ee ku eedeysan falal ka dhan ah sharciga, si loo ilaaliyo sumcadda iyo anshaxa ciidamada qalabka sida ee Jubbaland.