Axad, November 16, 2025 (HOL) - Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xayiraad cusub oo lagu adkeynayo safarka dadka da’doodu ka yar tahay 30 sano, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka ee gobolka kusii kordhaya.
Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka ee maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegtay in go’aankan uu ka dhashay walaac sii xoogeysanaya oo ku saabsan socdaalka sharci darrada ah, iyadoo la helay caddeymo muujinaya in shabakadaha dadka dhoofiya ay adeegsanayaan farsamooyin casri ah oo lagu tahriibinayo dhalinyarada, gaar ahaan kuwa aan wali gaarin da’da masuuliyadda. Sida ay wasaaraddu sheegtay, arrintan waxay keentay in la xoojiyo kormeerka lagu sameeyo safarada ka baxa degaannada maamulka.
newsinsideWar-saxaafadeedka ayaa sidoo kale tilmaamay in qaar ka mid ah xafiisyada bixiya tigidhada diyaaraduhu laga yaabo inay ku lug yeeshaan fududeynta dhaqdhaqaaqyada shabakadaha tahriibka, taas oo sababtay in maamulka uu adkeeyo mas’uuliyadda saran shirkadaha socdaalka.
Amarkan cusub wuxuu si gaar ah u abbaarayaa dhammaan xafiisyada tigidhada diyaaradaha ee ka howl-gala gobolka, oo ay ku jirto shirkad lagu magacaabo Sagal Travel Agency oo duulimaadyo u kala qaada Muqdisho iyo Laascaanood todobaadkiiba laba jeer. Wasaaraddu waxay ku wargelisay in qof kasta oo 30 sano ka yar uusan safri karin haddii aan waalid la socon, isla markaana aan la aqbali karin waraaqaha dammaanad qaadka ee aan si rasmi ah u soo marin hay’adaha dowladda iyo odayaasha deegaanka ee loo xilsaaray xaqiijinta.
Wasaaradda ayaa Sagal Travel Agency ku amartay inay dib u hubiso dhammaan tigidhada ay gacanta ku hayso, oo ay ku jiraan kuwa ay soo diraan shirkadaha kale ee la shaqeeya, si loo xaqiijiyo in dhammaan shuruucda cusub lagu dhaqmo. Maamulka ayaa uga digay dhammaan shirkadaha safarka in ku xadgudubka amarkan looga qaadi doono tallaabo sharci ah, iyadoo lagu dari doono liiska hay’adaha lala xiriirinayo ka ganacsiga dadka.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka Waqooyi Bari uu sheegay inay sii kordhayaan kiisaska dhalinyaro lagu qaldo safarro sharci u muuqda oo u beddela tahriib khatar ah, halka waalidiinta iyo odayaasha dhaqanku ay ku baaqayaan in si dhab ah loola dagaallamo shabakadaha dadka dhoofiya.