Raysal wasaare Xamse oo kormeer ku tagay xarunta Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka


Sabti, November 15, 2025 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay ka bilaabatay bixinta kaararka codbixinta doorashooyinka. 

Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacanka Soomaaliyeed ee ka mid noqday dadka is diiwaangeliyay ee qaatay kaararka ay ku codeyn karaan.

Wuxuu tilmaamay in talaabadaani ay tahay mid u sahleysa dadka qaatay kaararkooda iney muujiyaan awoodooda mudada dheer ka maqnayd oo ay ku dooran karaan hogaankooda.

newsinside“Waxaan ugu baaqayaa, ku adkeynayaa, kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed ee u suurtagashay nasiibkana u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda, si ay u codeeyaan, oo si dhab ah u muujiyaan awooddooda muwaadin ee dastuuriga ah ee muddada dheer laga xayuubiyey.”ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo hey’adaha amniga shaqada adag oo ay u qabteen dadka Soomaaliyeed, isagoona xusay inay howshan ka soo bilaabeen meel fog ayna muujiyeen hufnaan iyo karti shaqo.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo qiimo gaar ah u leh shacabka ku nool Gobolka Banaadir, maadaama ay si rasmi ah u bilaabatay qaadashada kaararka cod-bixinta ee dadka horey isu diiwaan-geliyay, si ay uga qeybgalaan doorashada ka dhaceysa caasimadda" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse.

Ugu dambeyntii Raysal Wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diyaar ula tahay guddiga doorashooyinka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed wax kasta oo u fududeynaya shaqada looga baahan yahay si ay u xaqiijiyaan hirgelinta doorashooyinka dalka, waxaana kormeerka Raysal wasaaraha uu kusoo aadaya, iyadoo maanta guddiga uu bilaabay bixinta kaararka codbixiyaasha doorashooyinka.