Jimco, November 14, 2025 (HOL) - Dhoofka Qaadka Miirowga ee Kenya u dhoofiso Soomaaliya ayaa hoos u dhacay 16.9 boqolkiiba sanadkan 2025, isagoo gaaray 1.7 milyan kiilo halkii uu ka ahaa 2.1 milyan kiilo sanadkii ka horreeyay, sababo la xiriira tartan sii kordhaya oo kaga imanaya qaadka laga soo dhoofiyo Itoobiya.
kenya ayaa sheegtay in bisha Febraayo ay diiwaangelisay dhoofkii ugu hooseeyay oo ahaa 199,860 kiilo, inkastoo bishii May laga dhoofiyay qaadkii ugu badnaa oo ahaa 356,427 kiilo.
newsinsideGanacsatada Qaadka Kenya waxay sheegayaan in ganacsigoodu uu noqday mid sii adkaanaya in la saadaaliyo maaddaama Itoobiya ay xoojinayso saamigeeda suuqyada ee Soomaaliya, taas oo yaraynaysa mudnaantii ay Kenya muddo dheer ku lahayd Soomaaliya.
Hoos-u-dhaca Qaadka ayaa dib u soo nooleeyay walaacyadii ku saabsan ku-tiirsanaanta weyn ee Kenya ay ku qabto Soomaaliya oo ah suuqa ugu weyn ee khaadka.
Kenya ayaa dib u billowday dhoofka qaadka Miirowga ee loo dhoofiyo Soomaaliya 2022 kadib markii Muqdisho ka qaadday xanibaad labo sano ahayd oo la saaray intii lagu jiray khilaaf diblomaasiyadeed oo dhacay xilligii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.