Daacish oo weli xoolo nool ka hela reer miyiga ee Buuraha Calmiskaad

 

Talaado, November 11, 2025 (HOL) - Ilo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ururka Daacish uu weli xoolo nool ka helo dad reer miyi ah oo ku nool dhulka buuraleyda ah ee ku teedsan Buuraha Calmiskaad, inkasta oo deegaanadaas hore looga xoreeyay kooxdaasi.

Arrintan ayaa loo arkaa mid dhabar jab weyn ku ah dadaallada lagu doonayo in gebi ahaanba looga sifeeyo Daacish togga Baallade, halkaas oo la rumeysan yahay in ay weli ku dhuumaaleysanayaan koox yar oo iska caabin adag kala hortagta ciidamada amniga Puntland.

newsinsideWarar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in dadka reer guuraaga qaarkood ay dhaqaale ka helaan xoolaha ay si toos ah ugu iibiyaan Daacish, iyadoo hal neef lagu kala gato lacag ka badan laba ama saddex jibbaar qiimaha suuqa. Xilligan adag ee abaaruhu saameeyeen ayaa la sheegay in saboolnimada iyo baahida jirta ay dhiirrigelisay in qaar ka mid ah xoolo-dhaqatadu la macaamilaan kooxda Daacish.

Inkasta oo hay’adaha amniga Puntland horey uga digeen xiriirka lala yeesho Daacish, haddana dadaallada lagu doonayay in go’doon buuxa lagu saaro kooxdaasi wali si buuxda uma hirgelin. Goobihii dhowaan laga xoreeyay Daacish ayaa ciidamada amnigu ka heleen meelo ay Daacish ku qasheen dhowr neef oo ari ah, taasoo muujinaysa in Daacish ay weli ku tiirsan yihiin taageerada iyo macaamilka dadka deegaanka.

Dhawaan, maamulka Puntland ayaa soo saaray amar ah in laga guuro tuulada Tasjiic iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bari, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay hoy u yihiin dad xiriir la leh Daacish. Balse qorshahaas ayaa fashilmay, kadib markii dadka deegaanka sheegeen inaysan haysan meel kale oo ay u guuraan.

Dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay, ciidamada Puntland ayaa la kulmay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay iska caabin ay kala kulmeen Daacish. Kooxda ayaa qoraal iyo sawirro ay baahiyeen ku sheegtay inay lix jeer fashiliyeen weerarro ciidanka Puntland ku doonayeen inay ku qabsadaan ceelka Baarakalaah, ayna dileen toban askari oo ka tirsan ciidamada amniga Puntland.