Isniin, November 10, 2025 (HOL) - Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay hindise-sharciyeedka dib Ka Hortagga Burcad Badeedda iyo Afduubka, taasoo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga badda, ilaalinta ganacsiga caalamiga ah, iyo la dagaallanka dambiyada abaabulan ee xeebaha Soomaaliya ka dhaca.
Fadhigii maanta oo uu guddoomiyay Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa waxaa ka qeybgalay 140 Xildhibaan, kuwaas oo dhammaantood cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigan, iyadoo aanay jirin cid diiday ama ka aamustay.
newsinsideSharcigan oo markii ugu horreysay la meel mariyay sanadkii 1975, ayaa dib u eegis ballaaran lagu sameeyay si uu ula jaanqaado xaaladda amni ee maanta iyo caqabadaha cusub ee dhinaca badda ah ee Soomaaliya wajaheyso, Guddiga Gaarka ah ee Baarlamaanka u xilsaarnaa dib-u-habaynta sharcigan ayaa soo gudbiyay nooca cusub ee la ansixiyay maanta, kaddib daraasad iyo la-tashi ay la sameeyeen khubaro sharci iyo hay’adaha amniga.
Ujeeddada sharcigan la cusbooneysiiyay ayaa ah in la casriyeeyo habka sharci ee dalka u wajahayo dambiyada burcad-badeednimada iyo afduubka, kuwaas oo sanado badan caqabad ku ahaa badqabka xeebaha Soomaaliya, ganacsiga badda iyo nabadgelyada caalamka.
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, Xasan Macallim, oo ka hadlay ansixinta sharcigan ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Shacabka, isagoo ku tilmaamay “tiir sharci ah oo difaacaya kaluumaysatada Soomaaliyeed, kobcinaya dhaqaalaha badda iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalka.”
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in sharcigan uu la jaanqaadayo heshiisyada caalamiga ah ee Qaramada Midoobey ee la xiriira ilaalinta badaha, islamarkaana uu xoojinayo ka hortagga dambiyada ka dhaca badda, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo dhiirigelinta maamul wanaagga dhinaca badda.
Kaddib ansixinta Golaha Shacabka, sharcigan ayaa loo gudbin doonaa Aqalka Sare si halkaas loogu akhriyo, looga doodo, islamarkaana cod ugu dambeysa loogu qaado ka hor inta aan lagu dhawaaqin inuu yahay xeer rasmi ah oo dhaqan gal ah.