6/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2025
Wasiir Karoore "Hal reer kaliya ayaa ku jira dagaalka haatan socda ee waa in loo midoobaa"
 

Isniin, May 19, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sheegay in ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda iney ku hareersan yihiin degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Karoore ayaa sheegay in ciidamada is kaashanaya ay saacadaha soo socda gudaha u gali doonaan magaalada Aadan Yabaal oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku jirto gacanta Al-shabaab.

Karoore ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalka ka socda Hiiraan uu u dhaxeeya hal reer kaliya iyo kooxda Al-shabaab, islamarkaana loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka.

"Hal reer ayaa dagaalka ku jira dagaalka haatan socda waa in loo midoobaa dagaalka, waxaan ugu baaqaya beelaha kale ee dagan Hiiraan iney kusoo biiraan dagaalka oo ay garab istaagaan walaalahooda la dagaalamaya Khawaarijta" Ayuu yiri Wasiir Karoore.

Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa qeyb ka ahaa wafdi heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed oo maanta degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan u tagay dardar galinta dagaalka beesha Xawaadle kula jiraan Al-shabaab, waxaana wafdigaas hoggaaminaayay Taliyaha NISA Maxamed Cabdullaahi Cali Sambaloolshe oo ay wehlinayeen qaar ka mid Xildhibaanada beesha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.