Axad, May 18, 2025 (HOL) - Qaraxaan Ismiidaaminta ah oo jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa lasoo wariyay inuu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo beegsaday xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho.
newsinsideIsmiidaamiyaha ayaa la sheegay inuu si gaar ah u beegsaday goob ay saf ugu jireen dhalinyaro dooneysay iney iska diiwaan galiyaan ciidan cusub oo lagu diiwaan gelinayay xerada Damaanyo, kuwaas oo saf uga jiray banaanka kore ee xerada.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee wali ma jirto tiro koob rasmi ah lagama haayo khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaan uu geystay.
Ciidamada amaanka oo gaaray goobtabuu qaraxa ka dhacay ayaa xiray aagga, kuwaas oo gurmad deg deg ah u fidinaya dadka waxyeelada kala duwan kasoo gaartay qaraxa.

kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Qaraxaan.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.