
Isniin, December 29, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, oo difaacaya aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland ay muddo 34 sano ah ahayd dowlad shaqaynaysa, isla markaana aanay samaysmin toddobaadkan dhammaadkiisii.
Sa’ar ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada kaga jawaabay baaqyada ay dirayaan dowlado iyo ururrada qaarkood ee la xidhiidha ilaalinta midnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in cambaareynta loo jeedinayo Israa’iil ay tahay munaafaqnimo.
“Somaliland lama samayn dhammaadkii toddobaadkan, waxay ahayd qaran jira oo shaqaynaya muddo ka badan 34 sano. Weerarada lagu hayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland waa munaafaqnimo,” ayuu yidhi Sa’ar.
Waxa uu sheegay in Israa’iil oo keliya ay go’aamin karto cidda ay aqoonsanayso iyo cidda ay la yeelanayso xidhiidh diblomaasiyadeed, isaga oo la hadlayay waddamada cambaareeyay xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Israa’iil.
Dowladda Israa’iil ayaa cadaadis xooggan kala kulmaysa waddamada caalamka iyo kuwa gobolka, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ahi ay cambaareeyeen aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland. Wasiirka Qurbajoogta Israa’iil ayaa dhankiisa dalka Qatar ku tilmaamay ganacsi qoys leeyahay oo u adeega argagixisada, kadib markii ay Qatar dhaliishay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn oo ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo lagaga hadli doono aqoonsiga Somaliland. Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay inay difaaci doonto xidhiidhkeeda Somaliland.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa maanta ku kulmaya gobolka Florida, iyada oo waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan ay ka mid tahay aqoonsiga Somaliland.