Masar oo Soomaaliya ka taageeraysa dhinyacyada horumarinta dhaqaalaha amniga iyo dagaalka Al-shabaab

Cabirka Farta

Axad, December 21, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa galinkii dambe ee maanta kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Qaahira  dhiggiisa dalka Masar Dr. Badr Abdelatty.

kulanka labada Wasiir ayaa dhacay intuu socdey Shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha wax wadaagga Ruushka iyo Afrika oo ka qabsoomay magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Kulanka ayaa labada masuul ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo amniga labada dal, waxaana labada dhinac ay ku balameen adkeeyeen muhiimada ay leedahay iskaashi wax ku ool ah oo ka qayb qaadanaya xasilloonida iyo horumar waara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Masar, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhisidda awoodda hay’adaha iskaashiga la dagaallanka argagixisada iyo falalka xagjirnimada rabshadaha wata.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Dr. Abdelatty ayaa dhankiisa cadeeyay in Soomaaliya uu kala djaxeeyo horumar wanaagsan, wuxuuna adkeeyay balan qaadka Masar ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasiir Dr. Abdelatty ayaa sidoo kale balan qaaday in xarunta Safaaradda Masar ee Muqdisho ay fududeyn doonto wada shaqeynta diblomaasiyadeed ee labada dal, iyagoona ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol iyo mid caalami si wax looga qabto khataraha ku wajahan nabadda iyo amniga guud ee gobolka.