
Isniin, December 15, 2025 (HOL) - Hay’adda La-Dagaallanka Socdaalka Sharci-darrada ah ee Liibiya ayaa shaacisay in ay masaafurisay muhaajiriin Soomaaliyeed oo si sharci-darro ah ku joogay dalkaas, kaddib markii ay ku xadgudbeen shuruucda socdaalka ee Liibiya.
War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in muhaajiriinta la masaafuriyay ay ku xirnaayeen xarunta lagu hayo ee Bariga Tripoli, isla markaana tallaabada masaafurinta lagu fuliyay iyadoo lagu saleynayo dukumentiyadooda safarka iyo amarrada maxkamadaha ee faraya in laga saaro Liibiya, maaddaama ay jebiyeen shuruucda dalka.
Hay’addu waxay sidoo kale caddeysay in howlaha masaafurinta ay sii socon doonaan, iyadoo loo marayo jadwal horay loo diyaariyay.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli todobaad ka hor Dowladda Soomaaliya ay dalka dib ugu soo celisay 161 muwaadin oo Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Liibiya, kuwaas oo intooda badan la kulmay xaalado adag oo ka dhashay tahriibka sharci-darrada ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in 74 ka mid ah muwaadiniinta dib loo soo celiyay ay gaareen magaalada Hargeysa, halka 87 kalena lagu soo dhoweeyay caasimadda Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa dib usoo celinta muwaadiniinta ku tilmaamtay in loo maray barnaamijka Voluntary Humanitarian Return (VHR) ee ay taageerto Qaramada Midoobay.
Inta badan dadka la soo celiyay ayaa ahaa dhalinyaro ka yar 30 sano jir, kuwaas oo muddo bilooyin ah ku xayirnaa Liibiya.