Xisbiga KAAH oo cambaareeyay sida Xukuumadda Somaliland u wajahday xaaladda Boorama

Jimco, December 5, 2025 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee KAAH ayaa si adag u cambaareeyay sida Xukuumadda Somaliland ay ula dhaqantay dadka mudaharaadayaasha ah ee magaalada Boorama, iyo amarka lagu qabanayo munaasibadda Xeer Ciise. Waxa uu xisbigu ku baaqay in marka hore gogol nabadeed la dhigo, lana hakiyo qabanqaabada munaasibaddaasi.

Guddoomiyaha xisbiga, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in go’aankii xukuumaddu soo saartay shalay uu ka muuqatay gogol nabadeed oo aan la mudnayn, halka munaasibadda Xeer Ciise la muddeeyay 14-ka bishan, taasina uu ku tilmaamay ilduuf, maadaama bulshada deegaanka aanay weli heshiin.

“Waxaanu dhaliilaynay xukuumad soo saartay laba go’aan oo kala duwan oo marna joojisay Xeerka Ciise, marna ogolaatay. Waxaanu dhaliilayna bulshada gobolka Awdal oo ah bulsho walaalo ah oo leh xuquuq siman, in aan si xikmad leh arrinta looga bislayn. Waxaanu ka dignay in arrinta aan xoog lagu muquunin ee lagu saleeyo xikmad,” ayuu yidhi Guddoomiye Xaashi.

Waxa uu si adag u dhaliilay siyaasadda xukuumadda, isaga oo sheegay in dad shacab ah loo adeegsaday xoog, isla markaana uu hoosta ka xarriiqay in wixii dhib ah ee ka dhaca gobolka Awdal ay xukuumaddu masuuliyaddeeda leedahay. Waxa uu intaas ku daray in gobolka Awdal yahay halkii laga aas-aasay Somaliland-ta casriga ah, sidaa darteedna aan loo baahnayn in layska indho-tiro codkooda.

“Waxaanu ku ololaynay isku haynta bulshada. Madaxweyne, haddii aynaan gobolka Awdal isku hayn karin, erayadii aynu ku ololaynay ee aragtida xambaarsana waxay u muuqan doonaan gole kaga kac,” ayuu yidhi.

Ugu dambayn, waxa uu bulshada gobolka Awdal ugu baaqay inay is dejiyaan oo ay ka fogaadaan banaanbaxyada. Waxa uu ciidamada amniga ku boorriyay inay ka waantoobaan isticmaalka xoog aan loo baahnayn, isaga oo xukuumadda u jeediyay talooyin nabadeed.

“Xabbadda la ridayaa waa xoog dheeraad ah,” ayuu yidhi. “Madaxweynuhu waa inuu shacabka si degdeg ah ula hadla oo uu bulshada dejiyo. Waxaanu ku baaqayna in la joojiyo waqtiga loo qabtay qabashada Xeerka Ciise, lana hormariyo gogoshii nabadda ee bulshada gobolka Awdal.”

Xaaladda magaalada Boorama ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada Somaliland lagu eedeeyay inay hoos ugu dhigeen rasaas mudaharaadayaasha, taas oo keentay dhimashada dhalinyaro kamid ah bannaanbaxayaasha, halka kuwa kalena ay dhaawacmeen.