Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo soo dhoweeyay go’aan kasoo baxay maxkamadda sare

Isniin, December 1, 2025 (HOL) - Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare oo meesha ka saaray magacaabista Xoghayaha Guud ee cusub ee ay sameysay Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo Maxkamaddu dib u xaqiijisay madax-bannaanida golaha.

Maxkamadda Sare, oo xukunkeeda ku dhawaaqday 27-kii Nofeembar 2025, ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay go’aankii Wasaaradda Caafimaadku 29-kii May 2025 ku magacowday Maxamed Maxamuud Aadow inuu noqdo Xoghayaha Guud. Maxkamaddu waxay xukuntay in Wasaaradda Caafimaadku aysan haysan awood sharci ah oo ay sidaas ku sameyso, waxayna amartay inay bixiso kharashaad sharci oo gaaraya $300, taas oo lagu fulinayo 30 maalmood gudahood.

Golaha waxa uu ka kooban yahay 15 xubnood, kuwaas oo laga soo xulo wasaaradaha dowladda—sida Caafimaadka, Waxbarashada Sare, iyo Cadaaladda—iyo sidoo kale ururrada xirfadlayaasha, adeegyada caafimaadka gaarka loo leeyahay, iyo bulshada rayidka. Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa waxa ay xubnaha goluhu ku doortaan gudahooda.

Kiiskan, oo goluhu u gudbiyay maxkamadda 2-dii Luulyo 2025, ayaa yimid kaddib markii xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud uu caddeeyay in goluhu yahay hay’ad madax-bannaan, isla markaana Wasaaraddu aysan awood u lahayn inay magacowdo Xoghayaha Guud.

Guddoomiyaha Golaha, Cumar Daahir Maxamuud, oo Axaddii shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xukunka Maxkamadda Sare uu “si buuxda u xaqiijiyay madax-bannaanida golaha isla markaana uu buriyay magacaabistii sharci-darrada ahayd ee Xoghayaha Guud.”

Wasaaradda Caafimaadka iyo Xoghayaha Guud ee la magacaabay weli kama aysan hadlin go’aanka maxkamadda.