Hiiraan Online
12/5/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2024
Golaha Wadatashiga Qaranka oo muddo kordhin u sameeyay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada
Arbaco, October, 30, 2024 (HOL) - Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in Doorashooyinka madaxda dowlad goboleedyada la qabto Sebtembar 2025, taasoo ka dhigan in muddo sanad ah loo kordhiyay muddo xileedkooda.
Waxaa go'aankaan la gaaray iyadoo ay madasha ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo horey uga horyimid qorshahaan muddo kororsiga dowlad goboleedyada.
Qodobadan ayaa qeyb ka ahaa nuxurka war murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Golaha Wadatashiga ayaa sidoo kale bisha June 2025, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin wada xaajood iyo wada hadal lala galo xubnaha ka maqan madasha si ay uga qaybgalaan doodaha la doonayo in lagu xallinayo kala duwanaanshaha ra'yiga.
Goluhu waxay isku raaceen in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyadii hore si loo fududeeyo doorashooyin xor ah, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u doortaan xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan.
Waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo horgeeyo baarlamaanka sharciyada khuseeya doorashooyinka, nidaamka xisbiyada badan, guddiga doorashada, iyo xuduudaha baarlamaanka federaalka.