12/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2024
Sirdoonka Somaliland oo Gacanta Ku Soo Dhigay Kooxdii Hubka La Soo Gashay Ollolihii Kulmiye
 

Talaado, October, 29, 2024 (HOL) - Sirdoonka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in xabsiga la dhigay rag ka tirsana sirdoonka oo ka qaybqaatay ollolaha xisbiga Kulmiye, isla markaana hub lasoo baxay fiidkii Salaasada.

Qoraal kasoo baxay NIA, ayaa lagu sheegay in 4 kamid ah kooxdan ay qabatay hay'adda sirdoonku, halka kuwii kalena ay qabteen ciidamada booliisku, sirdoonku waxa ay sheegeen in maxkamad la horgayn doono.

"NIA ayaa xabsiga u taxaabtay afartii qof ee hubaysnaa ee qaska iyo qalalaasaha ka waday maqribnimadii isu soo baxa Kulmiye. Waxa la horgeyn doonaa maxkamadaha ciidamada qalabka sida, sidoo kale Ciidamada Booliska Qaranka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubnihii kale ee kooxdaasi ka tirsanaa" ayaa lagu yidhi warbixin kasoo baxday NIA.

Sirdoonka ayaa maanta xili hore ku dhawaaqay in ay baadhis ku hayaa ragan oo rasaas ka dhex ridayay ollolaha xisbiga Kulmiye, isla markaana ku labisnaa calamada xisbiga, sidookale, koomiishanka doorashooyinka, ayaa booliiska ku amray in lasoo xidho raggan.

Koomiishanka ayaa dhinaca kale ganaax dhan 20 milyan oo shilling, kusoo rogay Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bille, kadib markii uu taageerayaasha xisbiga Kulmiye u ogolaaday in ay isku soobax ku dhigtaan fagaaraha Khayriyada ee Hargaysa.

Dhanka kale, koomiishanka ayaa xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ka mamnuucay in ay isku soobaxyo samaystaan habeenkii, kadib dhacdada ragga hubka sitay.