12/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2024
Hargaysa oo Yeelatay Suuq Casri ah Kadib Gubashadii Suuqii Waaheen
 

Sabti, November, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta xadhiga ka jaray suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa, oo si casriya loo dhisay kadib dabkii burburiyay 1, April, 2022.

Suuqan oo ay malaayiin dollar ku baxday dibu dhiskiisa ayaa ah  24 sekadood oo ka kooban 644 meheradood oo qaab casri ah loo dhisay, loona dhammeeyey waddooyinkii, goobtii gaadiiidka macaamiisha la dhigayey, sida ay baahisay Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in suuqan lagu dhisay lacagtii laga ururiyay ganacsatada Somaliland, ganacsatada reer Muqdisho, tijaarta kale ee Soomaaliyeed iyo dowlada Jabuuti, isaga oo xusay in wax lacag ah oo kale anay kasoo gaadhin waddamada hodan ka ah.

"Wufuuda ciida ka badnayd ee kamaradaha sidatay waxba kamaynaan helin, taasi waxay inoo sheegaysa ninka wixiisa qabsan waaya cidna waxba u qaban mayso" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

In ka badan 2 bilyan oo dollar oo hanti ah ayaa ku burburtay gubashada suuqan oo kamid ahaa suuqyada ugu mashquulka badan Geeska Afrika, iyada oo ay gubashadiisu si wayn u saamaysay dhaqaalaha Somaliland iyo gobolka.

Xukuumada Somaliland ayaa sidookale, lacago dib ugu celisay qaar kamid ah dadkii ku hanti beelay dabka.