12/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2024
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha
 

Talaado, November, 26, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddigaan ayaa mas'uuliyadooda waxa ay noqon doontaa maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadiisu ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa.

Guddigaan si loo ansixiyo waxaa la horgeeyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya, dhammaan arrimahaan waxay imaanayaan iyadoo ay jiraan in Maamulada Puntland iyo Jubaland ay dibad joog ka yihiin arrimaha doorashooyinka ay Dowladdu wado.

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin:-

1) Cabdikariim Axmed Xassan
2) Saadiq Abshir Garaad
3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo
5) Cumar Abuukar Cumar
6) Farxiyo Maxamed Yusuf
7) Dr. Cumar Jamac Maxamed
8 )Faarax Cabdi Xasan
9) Sahro Diiriye Muuse
10) Cabdullahi Salaad Yaroow
11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
12) Cabdi Cadow Maxamed
13) Cabdishakuur Abiib Haayir
14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil
15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed
16) Naasir Maxamed Shire
17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici
18) Maxamed Cumar Ismaciil