12/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2024
Axmed Madoobe oo markii sadaxaad ku guuleystay inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland
 

Isniin, November, 25, 2024 (HOL) - Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa markii sadaxaad ku guuleystay maanta inuu noqdo madaxweynaha maamulka goboleedka Jubbaland ee shanta sano ee soo socota.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tartan doorasho la galay laba musharax oo kala ahaa Abuukar Cabdi Xasan iyo Feysal Maxamed Mataan, waxaana ka hor doorashada inta aysan bilaaban tanaasulay Dr Cabdi Xasan Xajiin.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ahaa musharaxa ugu cadcad doorashada ayaa helay 55 cod, iyadoo Faysal Maxamed Mataan uu helay 16 cod, halka Abuukar Cabdi Xasan uu helay 4 cod, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Intaas kadib madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Khudbad uu jeediyay markii loo xaqiijiyay inuu ku guuleystay doorashadii, Wuxuu u mahadceliyay Baarlamaanka Jubbaland ee doortay, Wuxuu  sidoo kale umahadceliyay musharaxiintii la tartamay ee aqbalay natiijada doorashada.

Si kastaba ha ahaatee doorashadaan maanta ka dhacday Kismaayo ee dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa imaaneysa, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u diiday doorashada dadban ee maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in Axmed Madoobe uu qayb ka ahaa xubnihii saxiixay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.