Arbaco, October, 13, 2024 (HOL) - Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumaada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa shaqada looga joojiyay maareeyahii ku meel gaarka ahaa ee hay'adda dhowrista Xogta Maxamed Axmed Cali Royal.
newsinsideWareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sababaha shaqada looga joojiyay Maxamed Royal ay ka mid yihiin cuuryaaminta habsami u socodka howlaha hay’adda.
Wasiir Maxamed Aadan ayaa sidoo kale wareegtadaan ku magacaabay Daa’uud Cabdi Xuseen oo horey ku xigeen ugu ahaa Maxamed Royal inuu noqdo ku simaha Maareeyaha ku meel gaarka ah ee Hay’adda dhowrista Xogta.
Shaqo ka joojinta lagu sameeyay Maxamed Royal ayaa sidoo kale kusoo beegmeysa, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu masuulkaan bogiisa Internetka kusoo qorayay eedeymo ka dhan madaxweynaha iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.
Hoos ka akhriso Wareegtada oo dhameystiran:-