7/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2024
Alshabaab oo weerar gaadmo ah kusoo qaaday degmada Bardaale ee gobolka Baay
 

Jimco, May, 24, 2024 (HOL) - Ugu yaraan saddex askari oo katirsan ciidanka dowladda ayaa ku dhaawacmay weerar gaadmo ah oo ay xalay degmada Bardaale ee gobolka Baay kusoo qaadeen dabley katirsan kooxda Alshabaab.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Baay ayaa sheegay inay ciidamadu iska caabiyeen weerarka Alshabaab, isagoo sheegay inay horey u hayeen xogta weerarka.

Waxa uu sheegay in dhankooda uusan jirin khasaare dhimasho ah oo weerarkaas kasoo gaaray, isagoo sheegay in ciidamada ay ku raad joogaan kooxdii weerarka soo qaaday, kuwaas oo uu sheegay inay ugu tagidoonaan degaanada ay ku dhuumalaysanayaan.

Wasiirka amniga ee Koonfur Galbeed ayaa ku sugan degmada Bardaale, halkaas oo uu u tagay sidii wax looga qaban lahaa isbaarooyin sharci darro ah oo dadka iyo gaadiidka lacago looga qaato.

Lama oga in weerarka Alshabaab ay kusoo qaadeen degmada Bardaale uu ahaa mid la doonayay in lala beegsado wasiirka amniga Koonfur Galbeed.