Arbaco, May, 15, 2024 (HOL) - Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ay go'aan kasoo saarto kiiska eedeysane Sayid cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysan inuu gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdicasiis.
newsinsideMaxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa ilaa afar fadhi ka yeelatay dhageysiga kiiskaan xasaasiga ah ee aan horay noociisa uga dhicin gudaha dalka.
Go'aanka rasmiga ah ee Maanta ku dhawaaqi doonto Maxkamadda Racfaanka ayaa ah mid si weyn ay u wada sugayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Eedeysane Sayid cali Macalin Daa'uud ayaa waxaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay Maxkamadda gobolka Banaadir, hayeeshee eedeysanaha ayaa xukunkaas ka qaatay racfaan.
Ugu dambeyntii eedeysane Sayid cali Macalin ayaa hadii ay maanta Maxkamadda Racfaanka ku xukunto dil toogasho ah, markale Racfaan u sii qaadan doona maxkamadda sare sida uu horey sheegay qareenka eedeysanaha.