4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2024
Xoghayahii Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo goordhaw is casilay
 

Axad, Maarso, 3, 2024 (HOL) - Xoghayahii joogta ee xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Subeyr ayaa goordhaw shaaciyay inuu iska casilay xilkaas.

Maxamed Abuukar Subeyr ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Qoraalka ayuu ku sheegay Maxamed Abuukar inuu si iskiis ah u go’aansaday inuu xilka iska casilo, isagoona uga mahadceliyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre shaqadan uu horay ugu igmaday.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhawaan lagu wado in isku shaandheyn iyo isbadalo lagu sameynayo hay’adaha dowladda, gaar ahaan xilalka Golaha Wasiirada iyo Agaasimayaasha, waxaana sidoo kale laga yaaba iney is casili doonaan saacadaha soo socda xubno kale.

Hoos ka akhriso qoraalka Xoghayaha oo dhameystiran:-