4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2024
Hargaysa: Hooyo iyo laba caruura oo ay dhashay oo ku naf waayey dab ka kacay gurigooda
 

Axad, February, 3, 2024 (HOL) - Hooyo iyo laba Caruura oo ay dhashay ayaa ku dhintay dab ka kacay hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax ee Hargaysa, sida uu sheegay Ciidanka Dabdamiska Somaliland.

Warbixin kasoo baxday dabdamiska ayaa lagu sheegay in  4:00 subaxnimo ciidanka Dabdemiska Hargeysa uu ka hawlgalay una gurmaday qoyskaa, iyadoo halkaana laga samata-bixiyay afar caruura oo kale.

"Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax" ayaa lagu yidhi warbixinta dabdamiska.

Warbxinta waxa lagu sheegay in Ciidanka Booliska Degmada Gacanlibaax ay la wareegeen maydadka hooyada iyo labada caruurta ah, isla markaana uu baadhis ku hayaan dhacdada.

Ciidanka ayaa bulshada ku nool Somaliland uga digay ay in habeenkii ka digtoonaadaan halista dabka, isla markaana ay damiyaan laydhka, in la aaso dabka girgirayaasha, iyo in dabka la dhigo meel ku haboon.