4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2024
Maamulka Hirshabeelle oo xilka qaadis ku sameeyay Duqii magaalada Baledweyne
 

Axad, Maarso, 3, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa xilka qaadis ku sameeyay Duqii magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiir Karoore ayaa xilkii looga qaaday Duqii degmada Baledweyne Nadar Tabaax Maalin, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdullaahi Salaad Kugeey.

Xilka qaadiska Nadar Tabaax Maalin ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo magaalada Baledweyne ay ku wada sugan yihiin Hirshabeelle iyo maamulka la baxay Hiiraan State, lamana oga talaabada ay ka qaadan doonto Nadar Tabaax xilka qaadista lagu sameeyay.

Ugu dambeyntii wareegtada ayaa lagu faray hay'addaha amaanka maamulka gobolka iyo kuwa degmada Baledweyne iney la shaqeeyaan Duqa cusub ee degmada Baledweyne Cabdullaahi Salaad kugeey oo isna dhankiisa lagu faray wareegtada inuu guto waajibaadkiis loo igmaday.