4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2024
Farmaajo iyo Sheikh Shariif : Arrimaha dastuurka waxay u baahan yihiin wadatashi Ballaaran
 

Axad, Maarso, 3, 2024 (HOL) - Madaxweynayaashii ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa xalay Muqdisho ku yeeshay kulan gaar ah oo ku saabsanaa arrimaha dastuurka.

Labada madaxweyne hore ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn ugasoo horjeeda in dowladdu wax ka beddel ku sameyso dastuurka dalka, iyadoo aan loo marin dariiq sax ah.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in arrimaha dastuurka ee hadda socda ay u baahan yihiin wadatashi ballaaran.

“Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran.” Ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay kulanka labada hoggaamiye ee hore.

Madaxweynayaashii hore ee dalka, ayaa qaban qaabinaya kulan ballaaran oo ay isugu imaanayaan siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah, si looga doodo walaaca laga qabo arrimaha dastuurka dalka, dowladdana baaq loogu diro.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa bishii January ee sanadkan sheegay in wax ka beddelka dastuurka aanay wax dood ah haatan ka furnayn, isagoo sheegay in dalku horey u soconayo.

Madaxweynaha ayaa ku adkaysanaya tallaabo kaste oo ay dowladdiisu wax ka beddesho dastuurka, in ay dhaqan galayaan marka ay timaado dowladda isaga ka dambeysa.