Farmaajo iyo Shariif oo war murtiyeed kasoo saaray shirkii uga socday magaalada Garowe

 

Sabti, Maarso, 23, 2024 (HOL) - Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Shariif Sheikh Axmed oo magaalada Garowe ee maamulka Puntland ku shiray ayaa soo saaray warmurtiyeed ay kaga hadlayaan xaaladda  siyaasadeed ee dalka.

newsinsideLabada madaxweyne ee hore ayaa waxay farriin u direen guddoonka iyo xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo kula dardaarmay inay ka fogaadaan wax kasta oo kala qeybinaya midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, ayna ka joogsadaan waxay ugu yeereen hannaanka aan waafaqsanayn sharciga ee lagu bedelayo dastuurka dalka.

Farmaajo iyo Shariif waxay uga digeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu kusii socdo wax ka beddelka dastuurka, waxayna usoo jeediyeen sida ay sheegeen inuu kusoo laabto jidka sharciga iyo wadar-ogolka, ilaaliyana dastuurka uu u dhaartay.