Jimco, Maarso, 22, 2024 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin ayaa magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug u tagay dardar galinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
newsinsideTaliyaha ayaa kulan kula qaatay Xarardheere saraakiil ka tirsan ciidanka iskaashanaya ee ku jira howlgalada ka socda magaalada Xarardheere iyo deegaanada hoostaga.
Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin ayaa faray saraakiisha ciidanka dowladda in dib ula wareegaan deegaanadii ay dhawaan kasoo baxeen ciidanka dowladda.
Taliyaha Ururka sadaxaad ee ciidamada Gorgor dhame Cali Axmed Cali Cageey oo kulanka kadib shir jaraa'id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in taliyaha ciidanka xoogga dalka uu kusoo booqdo furimaha hore ee dagaalka.
Dhame Cali Cageey ayaa sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada ka barbar dagaalanta kooxda Al-shabaab iney sii nayaan fursad ay isugu soo dhiibi karaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa haatan wada qorshe ku aadan sidii ay dib gacantooda ugu soo celin lahayeen deegaanadii ay dhawaan isaga soo baxeen ee ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.