4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2024
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Garowe
 

Khamiis, Maarso, 21, 2024 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa caasumaad u fidiyay Farmaajo, iyagoo yeelan doona kulamo siyaasaadeed oo ku aaddan khilaafka ka taagan arrimaha wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya.

Labada masuul oo dhawaan kulan ku yeeshay qadka taleefoonka, ayaa hoosta ka xarriiqay in xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka ee hadda socda ay u baahan yihiin wadatashi ballaaran in laga yeesho.

Deni iyo Farmaajo oo col weyn ku ahaa arrimaha siyaasada ku dhawaad labo sano ka hor, ayaa haatan isku mowqif ka ah  siyaasadda Soomaaliya, iyagoo si aad ah ugasoo horjeeda qorshaha dowladdu ku doonayso inay wax uga beddesho dastuurka dalka.

Warar kale oo aan helayno ayaa sheegaya in siyaasiyiin kale oo uu kamid yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ay tegidoonaan magaalada Garowe, si ay ugu biiraan kulamo siyaasadeed ee Garowe.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa lagu eedeeyay inuu doonayo inuu beddelo dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, taasoo ay sheegeen in ay khalkhal galin karto xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliyeed.

Waxay sheegeen in madaxweynuhu  ujeeddooyin siyaasadeed uu ka leeyahay in dastuurka wax laga beddelo, iyagoo sheegay inuu doonayo inuu meesha ka saaro hannaanka ay ku dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya, iyadoo aan heshiis lagu ahayn.