4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2024
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda
 

Arbaco, Maarso, 20, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu helay inuu si bareer ah u dilay nin lagu magacaabi jiray Cabdijabaar Maxamed Xasan.

Askariga dilka toogashada ah lagu xukumay ayaa lagu magacaaba Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo loo yaqaano Tookiyo, kaasoo si ula kac ah u dilay Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan 12-kii bishii Agoosto ee sanadkii 2022.

Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhax dhacay maqaayad shaaha lagu cabo oo  ku taala isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, dilka ayaana yimid kadib markii askariga iyo marxuumka uu dhexmaray muran salka ku haayay siyaasad oo soo kala dhaxgalay, kasoo ugu dambeyn sababay in marxuumka lagu dilo Tooreey.

Askariga dilka geystay oo baxsaday waqtigaas ayaa baadi goob dheer kadib ciidanka u soo gacan galay 28-kii bishii Janaayo ee sanadkan 2024, waxaana baaris kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday 18-kii bishii Febraayo ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable xoogga dalka Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Tookiyo dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan.