4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2024
Taliyihii ciidanka Degaanka Qoryooleey oo ka badbaaday qaraxyo xeradiisa loo galiyay
 

Arbaco, Maarso, 20, 2024 (HOL) - Taliyihii ciidanka degaanka ee degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa ka badbaaday qarax loo galiyay xerada ciidankiisu degen yahay, halkaas oo ay ku dhinteen illaa 5 kamid ah ciidankiisa.

Qaraxaan ayaa kala shaki ka dhex abuuray ciidamada degaanka ee gacanta ku hayay amniga degmada Qooryooleey, waxayna ciidamadu u kala qeyb sameen labo garab oo u abaabulan hab qabiil.

Xaaladda ayaa kasii dartay, ka dib markii saakay askari ciidanka katirsan lagu dilay gudaha magaalada Qaryooleey, waxaana dilay askari kale oo sheegay  inuu ka shakiyay.

Labada garab ee ciidanka ayaa difaacyo ka kala sameystay gudaha magaalada, taasoo cabsi weyn ku abuurtay dad shacabka ah oo ka welwelsan in dagaal uu dhexmaro ciidamada u kala qeybsamay hab beeleedka

Guddoomiyihii hore ee degmada Qoryooleey ayaa horey loogu dilay qarax ka dhacay gudaha xerada.