4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2024
Midowga Afrika oo xaqiijiyay in dhammaadka sanadkan lasoo gabagabayno howlgalka ATMIS
 

Arbaco, Maarso, 20, 2024 (HOL) - Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa xaqiijiyay in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu dalka ka bixi doono bisha December ee soo socota.

Balse, wakiilka Midowga Afrika ayaa sheegay inuu jiridoono howl-gal cusub oo daba socda bixitaanka ATMIS, kaas oo uu ku sheegay inuu kaa dambeeyay  codsi rasmi ah oo ay Soomaaliya ka gudbisay.

"Codsiga rasmiga ah ee Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka daba-galka ah wuxuu hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo in la sii wado taageerada caalamiga ah ee lagu xasilinayo Soomaaliya," ayuu Souef ku yiri hadal uu ka soo saaray Muqdisho.

Hadalka ergayga Midowga Afrika ayaa daba socda booqasho uu Isniintii ku tagay magaalada Dhoobley ee maamulka Jubaland si uu u xoojiyo howlgallada taageerada nabada ah ee socda, korna loogu qaadayo niyadda ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

ATMIS ayaa isku diyaarinaysa dhimista 4,000 oo askari oo dheeraad ah, kuwaas oo laga saarayo Soomaaliya bisha June.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya kala baxay 5,000 oo askari, waxaana uu wareejiyay 13 xarumood oo ay ku wareejiyeen ciidamada Nabadsugida Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee dhimistii sanadkii hore.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Souef ayaa ku booriyay ciidamada Kenya inay ka feejignaadaan Al-Shabaab, wuxuuna ku ammaanay sida ay u diyaariyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan ATMIS.