4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2024
Ciidamada Kumaandooska Danab oo howlgalo ka sameeyay deegaano dhaca xaduuda Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud
 

Arbaco, Maarso, 20, 2024 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 164-aad guutada 16-aad ayaa howlgal lagu xaqiijinayay amaanka ka sameeyay deegaano ku yaala gobolada Galgaduud iyo shabeellaha Dhexe.

Kumaandooska Danab ayaa howlgalka ka fuliyay deeganada kala ah Daarunimca, Al-koowsar Cadcadeey iyo deegaano kale oo dhaca xaduuda ay wadaagan gobolada  Shabeellaha dhaxe iyo Galgaduud.

Taliye ku xigeenka Ururka164-aad ee guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Xasan Aadan Axmed oo hogaaminayay howlgalka ayaa sheegay in howlgalka u jeedkiisu uu ahaa ka hortaga dhibaatada kooxda Shabaab ku hayaan shacabka Sooman bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale oo ay kaga hortagayaan dhibaatada iyo dhagarta kooxda Al-shabaab ay soo abaabulaan.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta inta badan gobolada dalka.