4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2024
Al-shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay qaraxii Ismiidaaminta ee weerarkii hotel SYL
 

Arbaco, Maarso, 20, 2024 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa shaacisay magaca ninkii fuliyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ku bilaawday weerarkii habeenkii Jimcahii lasoo dhaafay kooxdu ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ku yaala xeyn daabka madaxtooyada Soomaaliya.

Warbaahinta kooxda Al-shabaab ayaa sii deysay wareysi ay ka qaaday ninkaan oo ay magaciisa ku sheegeen Xasan Maxamed Maxamuud oo ah 20 sano jir ku dhashay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose.

Waxaa sidoo kale warbaahinta Al-shabaab ay sheegtay in ninkaan uu u dhashay qabiilka Habargidir, gaar ahaan jufada beesha Ceyr, waxaana qaraxa ninkaan uu fuliyay kadib hotelka gudaha u galay rag hubeysan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kuwaas oo saacado badan ka dhex dagaalamay gudaha hotelka.

Weerarkii hotel SYL ee magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana dadka ku dhaawacmay weerarkaasi ku jiray Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah.

18 ruux oo ahaa dadkii ugu darnaa ee ku dhaawacmay weerarkaas oo ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda fedaraalka iyo muwaadiniin kale ayaa laba maalin ka hor loo qaaday dhaawacyadooda dalka Turkiga kadib markii xaaladooda wax looga qaban waayay gudaha dalka.