4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo markale mudeysay waqtiga la dhageysanayo dacwada eedeysane Sayid Cali
 

Sabti, Maarso, 2, 2024 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markale shaacisay waqtiga markii sadaxaad la horkeenayo Maxkamadda ninka ku eedeysan inuu dhawaan Muqdisho ku gubay xaaskiisii oo uur laheyd.

War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Arbacada soo socota oo ay taariiqdu ku beegan tahay 6-da bishaan Febraaayo 2024 in mar kale loo fariisinayo dhageysiga dawacada loo heysto Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysan inuu gubay Luul Cabdicasiis oo xaaskiisii aheyd.

Dhageysiga dacwada loo haysto eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay si weyn isha ugu wada hayaan go'aanka Maxkamadda gobolka ay ka gaari doonto maalinta Arbacada ah kiiskaan.

Si kastaba ha ahaate waxaa xusid mudan inan wali la aasin meydka Alle ha u naxariistee Luul Cabdicasiis oo uu ku jiro Firinjeer, waxaana qoyskeedu ay sheegeen inaan la aasi doonin Luul inta ay ka heleyso Cadaaladda.

Hoos ka akhriso qoraalka Maxkamadda oo dhameystiran:-