4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2024
Wiil aabihii ku dilay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag
 

Sabti, February, 2, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay Wiil ayaa xalay aabihii ku toogtay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Sanaag Gaashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed, ayaa warbaahinta gobolka Sanaag uga warbixiyay dilka.

"Waxa magaaladan Ceerigaabo gudaheeda lagu dilay Marxuum Maxamed Cabdinuur 'Xamari' oo 42 jir ahaa, waxa dilay  eedaysane Cabdiqaadir Maxamed Cabdinuur oo 19 jir ah, oo uu dhalay marxuumku" ayuu yidhi Gaashaanle Siciid.

Waxa uu sheegay in aabaha dhintay iyo wiilka dilayba ay ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay in baadhis kadib la ogaaday in wiilka dilka gaystay uu sikhraansanaa markii uu falka ku kacay.

Waxa uu intaa ku daray in uu baxsaday kadib markii uu dilka gaysta lakiin ciidamada amaanku ay ka hawlgaleen isla markaana ay soo qabteen, waxa uuna xusay in guutadii milateriga ee uu ka tirsanaa ay booliiska ka caawiyeen soo wabashadiisa.

Taliyuhu waxa uu sheegay in askariga dhintay in la aasayo, isla markaana wiilka dilka gaystay uu wajihi doono cadaalada.