4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2024
Madaxweynaha Hirshabeelle oo si kulul u dhaliilay Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doorto Hirshabeelle
 

Sabti, Maarso, 2, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markii ugu horeysay si kulul u weeraray Xildhibaanada laga soo doorta deegaanada Hirshabeelle ee ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in inta badan Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle ay kasoo horjeedaan maamulka Hirshabeelle oo ay caqabad ku yihiin.

“Annaga waan ognahay in xildhibaanada laga soo doortay deegaanadan Hirshabeelle iney farqaha dhagax ku wataan oo ay tuuryeynaan degmadii iyo deegaankii laga soo doortay oo ay dhibaato ku yihiin jiritaanka iyo horumarka uu sameynayo maamulka” ayuu yiri madaxweyne  Cali Guudlaawe.

Wuxuu sidoo tilmaamay Cali Guudlaawe in looga baahan yahay Xildhibaanada iney ka shaqeeyaan horumarka deegaanadii laga doortay, islamarkaana aysan horseed u noqon dib u dhac ku yimaada deegaanada ay matalaan.

“Waxaan leeyahay ku deyda kuwa wanaagsan inaad degmadi aad ku dhalatay dadkaagii iyo deegaankaagii dib u dhaciisa aad ka shaqeyso maalin walba aduunka sharaf kuma heleysid, aakhirana ajir kuma heleysid, Kuwa qaladaadka geysta hebel iyo hebel dhihi meyo, waxaanse u aragnaa iney yihiin ilmo yaryar oo siyaasadda ku cusub oo ah alifley siyaasadeed, dana mooday iney dadkooda iyo deegaankooda dhibaato ka huriyaan” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Hadalkaan Cali Guudlaawe Xuseen Xalay ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu caleemo saarayay golaha deegaanka ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo ay goob joog ahayeen qaar ka mid Xildhibaanada heer Federaal ee laga soo doortay Hirshabelle.