4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2024
Ku dhawaad 20 qof oo magaalada Garowe ugu geeriyooday cudurka Daacuunka
 

Talaado, Maarso, 19, 2024 (HOL) - Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa ka dillaacay cudurka daacuunka oo galaaftay nolosha 19 qof oo u badan carruur, halka in ka badan 300 oo kalena la jiifiyey isbitaalada.

Cudurkan oo ah Daacuun coloolaadka ayaa dhamamadka bishii labaad ee sanadkan ka dillaacay kaamamka barakacayaasha ee magaalada Garowe.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo ilaha caafimaadka, cudurka ayaa hadda si xowli ah u sii faafaya, iyadoo goobaha caafimaadka ay buux dhaafiyeen dadka uu soo ritay oo u badan carruur.

Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka cudurkan, iyadoo howlwadeennada caafimaadku ay si aad ah uga shaqeynayaan sidii gargaar caafimaad loo gaarsiin lahaa dadka uu soo ritay cudurka, iyo hirgelinta tallaabooyinka nadaafadda si looga hortago sii faafitaanka bakteeriyada cudurka.

Dr. Maxamed Jaamac Xirsi oo ah iskuduwaha caafimaadka ee gobolka Nugaal oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay inay sameeyeen xarumo lagu karantiilo dadka uu soo ritay cudur, isagoo sheegay in intii karaankooda ah ay ku dadaaleen xakamaynta cudurkan.

"Mudnaanta hadda waa in la hubiyo in si degdeg ah loo daweeyo dadka uu saameeyey, iyo in la hirgeliyo tallaabooyin ka hortag ah oo lagu joojinayo faafitaanka cudurka daacuunka ee Garoowe," ayuu yiri Dr.  Maxamed Jaamac Xirsi.

Daacuunku waa caabuq bakteeriyo aad u faafa oo sababa shuban daran iyo fuuqbax, inta badanna haddii aan la daweyn dhimasho ayuu keenaa.

Meelaha aan nadaafadda ka jirin oo aan helin biyo ku filan oo nadiif ah, sida xeryaha barakacayaasha, ayaa ah meelaha khatarta ugu jira cudurkan.