4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2024
Burcad-badeed Soomaali ah oo lagu maxkamadayn doono dalka Hindiya

Talaado, Maarso, 19, 2024 (HOL) - Ugu yaraan 35 budhcad-badeed Soomaali ah oo lagu qabtay badweynta Hindiya ayaa wajihi doona maxkamadayn gudaha Hindiya ah.

35-ka qof ayaa isku dhiibay ciidamada badda Hindiya ka dib markii ay sii daayeen markabka ganacsi ee Ruen ee lagu haystay xeebaha dalka.

Raggaan ayaa dib loogu soo celinayaa Hindiya si dacwad loogu soo oogo. Waxayna wajihi doonaan eedeymo la xiriira burcad badeednimo.

Muuqaalo la duubay ka hor inta aan la xirin ayaa muujinaya in burcad badeeda ay rasaas ku fureen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya oo ku soo dhawaaday markabka MV.

Intii lagu guda jiray howlgalka ayaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo oo la sii daayo dhammaan 17-shaqaale ah oo ay burcad badeeddu ku haysteen xeebaha Soomaaliya muddo saddex bilood ah.

Dhacdooyinka mararka qaarkood dhaca biyaha caalamiga ah ayaa khalkhal ku abuuray hay’adaha amniga gobolka iyo kuwa caalamiga ah.