Isniin, Maarso, 18, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka booliiska gobolka Nugaal ee Puntland ayaa xaqiijiyay in la hayo gacan ku dhiiglaha ka dambeeyay dilka gabadh dhallinyaro ah oo dhawaan lagu dilay magaalada Garowe, taasoo maydkeeda uu muddo maalmo ah ku jiray talaagad.
newsinsideGabadhan oo lagu magacaabi jiray Happy Maxamed Cumar ayaa si xun loogu dilay Tooreey, waxaana maydkeeda laga helay meel dariiq ah, ka dibna laamaha amniga ayaa usoo xiray 13 eedeysane oo u badnaa dumar ay isla deganaayeen marxuumaddu.
Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska gobolka Nugaal, Maxamuud Fardafuul oo Garowe shir jaraa’id ku qabtay, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu hayo nin lagu magacaabo Beder Xasan Cabdiwaaxid oo la xaqiijiyay inuu ka dambeeyay dilka gabadhaan.
Taliye ku xigeenku wuxuu sheegay eedesanuhu inuu qiraal ku yahay inuu isagu gabadha dilay, markii loo helay caddaymo kala duwan.