4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2024
Maxkamadeynta Ugaas loo heysto inuu ka tirsanaa Al-shabaab oo Kismaayo ka bilaabatay
 

Isniin, Maarso, 18, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa u fariisatay dhageysiga koowaad ee kiiska Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab.

Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo ah 44 jir ka tirsana Al-shabaab ayaa ciidanada Jubbaland gacanta kusoo dhigeen isaga oo u dagaalamaya kooxda Al-shabaab, sida ay sheegtay Maxkamadda ciidamada Jubbaland.

Ugaas Aadan Maxamed oo hor hadlay maxkamadda ayaa qirtay inuu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo uu ka howlgeli jiray agagaarka deegaanka Yoontoy.

“Anigu ma lihi nin Shabaab ah ma ahi, laamiga Yoontoy iyo aaggaas ma imaan ma lihi. Waxaa ahaa nin iska duur joog ah oo xoolaley ah oo hantidiisa ku ilaashanaya nimankaas, kadibna waa igu adkaatay xaaladaasi” ayuu yiri Ugaas Aadan oo ka hor hadlay Maxkamadda ciidamada maamulka Jubbaland.

Ninkaan ayaa ciidamadu soo qabteen isaga oo dhaawac ah sanadkii 2021-kii, markaas oo uu horjooge u ahaa xubno ka tirsan Al-shabaab oo doonayay  in weerar ku qaadaan fariisin ciidamada ku lahayeen deegaanka yoontooy ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambeyntii Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim oo ah guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Jubbaland ayaa soo xiray fadhiga maxkamadda, isagoona sheegay iney sii socon doonto dhageysiga dacwadda, islamarkaana mar kale la isku soo laaban doono.