4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2024
Soomaaliya oo soo dhoweysay go'aanka QM ee looga hortagayo islaam nacaybka
 

Axad, Maarso, 17, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhoweysay in Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu meel mariyay go'aan ka hadlaya Tallaabooyinka lagula dagaallamayo Islaam nacaybka, iyo magacaabista Ergey  loo xilsaaray in uu wax ka qabto arrimahan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in go'aankan uu hoosta ka xarriiqayo dadaal caalami ah oo midaysan oo lagula dagaallamayo nacaybka loo hayo bulshooyinka Muslimiinta ah, uuna tilmaamayo dedaalka wadajirka ah ee lagu kobcinayo adduun ku sifoobay isku-duubni iyo isfaham.

“Tallaaadani waxay calaamad u tahay horumar la taaban karo oo loo qaaday kobcinta wadahadalka, kobcinta dulqaadka, iyo wax ka qabashada eexda xididaysan ee khatarta ku ah wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada adduunka oo dhan. Soomaaliya waxay garwaaqsan tahay doorka muhiimka ah ee uu ergaygu ka ciyaari doono ilaalinta xuquuqda iyo sharafta dadka muslimiinta ah iyo horumarinta mabaadi'da sinnaanta iyo caddaaladda ee masraxa caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Iyadoo dib u xaqiijinaysa taageerada aan kala go'a lahayn ee dadaallada caalamiga ah ee looga golleeyahay ka hortagga fikradaha xagjirka ah iyo burburinta kaabayaasha dhaqaale, Soomaaliya waxay sheegtay inay xoogga saarayso tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah horumarinta wadahadalka iyo nabadda ummadaha dhexdooda.