4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2024
Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose
 

Axad, Maarso, 17, 2024 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa  maamulka Jubbaland oo is kaashanaya ayaa howgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadaan is garabsanaya ayaa howlgalada ka wada tuulooyinka hoostaga magaalada Kismaayo iyo deegaanka Janaay Cabdale ee gobolkaas.

Howlgalada ayaa la tilmaamay in ciidamada ay kuso qabqabteen dad u badan dhalinyaro oo ay la xariirinayaan iney ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanadaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamadaan iskaashanaya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay ka hortaga weerarada kooxdu ay kasoo abaabusho deegaanada hoostaga Kismaayo iyo Janaay Cabdale.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa ay kormeer ku tageen deegaano ciidamada huwanta ah ka fuliyeen howlgalo xiriir ahaa dhowr maalmood oo Al-shabaab khasaare xoogan lagu garsiiyay.