4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2024
Dowladda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gashay dalka Itoobiya
 

Sabti, Maarso, 16, 2024 (HOL) - Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa uga qayb galay kulankii 22-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika.

Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray doorashada soo socota ee hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo lagu wado inay dhacdo bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Muritania ahna guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midowga Africa Mohamed Salem Ould ayaa shirka kusoo bandhigay warbixin dhameystiran oo guddigu soo saaray, taasoo looga hadlay diyaargarowga loogu jiro doorashada hogaanka sare ee Midowga Afrika.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Itoobiya Danjire Warfaa oo shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa si gaar ah u sharaxay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto hanashada hogaaminta Midowga Afrika, islamarkaana ay kasoo dhalaali karto howlaha Ururka Midowga Afrika.

Mudo xileedka hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo ah afar sano ayaa laga rajaynayaa in doorashada soo wajahan ee Guddiga Golaha Midowga Afrika ay dhex mari doonto dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga oo labadaba xilalsare kasoo kala qabtay dalalkooda.