4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2024
Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Mudug
 

Sabti, Maarso, 16, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanahaya kuwa dadka ddeegaanka  ayaa hawlgal qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal sare iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa ciidamada is garabsanaya waxay si gaar ah uga sameyeen wado ay ku safrayeen horjoogayaasha iyo maleshiyaadka kale, waxaana lagu dilay howlgalka laba horjooge oo mid ka mid ah uu yahay ajinabi, halka mid ka kalana uu ahaa Soomaali.

Labada horjooge ayaa sidoo kale lala dilay shan maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa horjoogayaasha la dilay.

Horjoogaha Soomaaliga ee howlgalka lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Isaaq Aw raage Maracadde, kaasoo la sheegay inuu ahaa horjooge ku xigeenka madaxa Jabhadaha kooxda Al-shabaab ee gobolada Mudug iyo Galguduud.

"Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo dhagarqabayaashaasi ay wateen" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ayaa kordhiyay howlgalada lagu beegsanayo deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Mudug iyo Galgaduud, waxaana xusid mudan in ciidamadaan ay dhawaan soo baneeyeen deegaano muhiim ah oo ku yaala Koonfurta Mudug, islamarkaana ay markale dib ugu soo laabteen Al-shabaab.