4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2024
Odayaasha dhaqanka deegaanka Lughaya oo diiday saldhiga Itoobiya laga siinayo badda
 

Jimco, Maarso, 1, 2024 (HOL) - Shir usoo dhamaaday odayaasha dhaqanka iyo dadwaynaha deegaanka Lughaya ee galbeedka Somaliland ayaa lagaga soo horjeedsaday saldhiga badda ee Itoobiya la siinayo.

Go'aamo kasoo baxay shirkan oo u socday odayaasha dhaqanka ayaa lagu sheegay in dadwaynaha deegaanku anay marnaba ogolaan doonin in ciidamada Itoobiya ay soo dagaan deegaanka.

"Badan Lughaya ee laga bixiyay saldhiga millateri inaba in anaan anagu raali ka ahayn, mulkiilayaasha Lughaya marka aanu run isku sheegayno waa kuwaa, waxa naga mamnuuc ah saldhig ciidan oo dal aan daris nahay ah waliba" Afhayeen u hadlay odayaasha ayaa sida yidhi.

Waxay sheegeen in saldhiga millateri aanu anfacayn Somaliland oo dhan, siday u dhantahay, sidaas darteena anay ogolayn in saldhiga laga sameeyo xataa gobolada kale ee Somaliland.

Qaybo kamid bulshada Somaliland ayaa kasoo horjeedsaday saldhiga badda ee lasiinayo dowlada Itoobiya, halka ay qaar kalena taageereen, Lughaya ayaa noqotay goobta ugu hadalhaynta badan kadib markii uu sarkaal Itoobiyaan ahi sheegay in ay tahay meesha laga samaynayo saldhiga.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland D.R. Ciise Kayd Maxamuud oo dhawaan la hadlay warbaahinta Itoobiya, ayaa sheegay in anay waxba ka jirin wararka sheegaya in saldhiga Lughaya laga samaynayo isla markaana aan wali go'aami rasmiga ah laga gaadhin goobta uu noqonayo.