4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Turkiga si uu uga qeyb galo madasha Diplomaasiyadda
 

Jimco, Maarso, 1, 2024 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, si uu uga qeyb galo madasha diblomaasiyadda ee Antalya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa wadahadal muhiim ah la yeelan doona madaxda Turkiga si loo xoojiyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiye.

Inta lagu guda jiro madasha, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo dadaallada socda ee Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida, amniga, iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhawaan heshiis difaac ah kala saxiixday, hehiiskaas oo ay tilmaamaya in muddo 10 sano ah uu  Turkiga difaaco badda Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa u muuqda mid looga hortagayo damaca Ethiopia ee ku aaddan inay qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya oo ay dhawaan heshiis kula gashay Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, madashu Diblomaasiyadda ee Antalya waxa ay siinaysaa Soomaaliya fursad gaar ah oo ay kula macaamili karto madaxda caalamka oo ay ku xoojiso ballanqaadkeeda ku aaddan dhinacyada iskaashiga caalamiga ah. Iyada oo ka qaybqaadanaysa doodaha ku saabsan horumarinta diblomaasiyadda, horumarinta nabadda, iyo kor u qaadista iskaashiga gobolka ee Turkiga.