
Isniin, Juun, 24, 2024 (HOL) - Ciidamada
dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ka howgala
magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin
Ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
newsinsideNinkaan
Ajnabiga ah oo u dhashay dalka Yaman ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku
qabteen deegaanka Mareeg oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada
Ceeldheer.
"Ciidanka Qaranka iyo kuwa xaq
u dirirka ah ee deegaanka oo helay xogta dhagarqabaha ayaa howlgal
baadi-goob ah ka sameeyay xeebaha gobolka Galgaduud, kuwaas gacanta
kusoo dhigay ninkaan" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda
Fedaraalka.
Ninkaan Ajnabiga ah ayaa la tilmaamay inuu ka mid ahaa tirada maleeshiyaadkii Al-shabaab ee dhawaan weeraray degmada Ceeldheer ee ku jabay weerarkaas, islamarkaana isaga iyo tiro kale ay ku lumeen dhulka howdka ah uuna qorsheynaayay inuu doon ka raaco deegaanka Mareeg.
Ugu
dambeyntii Ceeldheer iyo nawaaxigeeda waxaa wali ka socda howlgalo culus
oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka,
kuwaas oo dhawaan si adag isaga difaacay weerar uga yimid dhanka kooxda
Al-Shabaab.