Kalluumaysato Soomaaliyeed oo la waysanaa muddo ka badan labo bilood oo nolol lagu helay


Sabti, Juun, 22, 2024 (HOL) - Saddex kaluumaysato ah oo Soomaali ah oo bishii April ee sannadkan lagu waayay badda sare iyaga oo ku jiray howlo kalluumaysi, ayaa laga helay jasiiradda Maldives.

newsinsideSida laga soo xigtay booliiska dalka Maldives, saddexda kalluumaysatada ayaa Sabtadii todobaadkan waxaa helay ilaalada xeebaha dalkaas.

Kalluumeysatada ayaa la sheegay in la waayay kadib markii ay howlo shaqo oo kalluumaysi ay ka bilaabeen Xeebaha Badweynta Hindiya ee ku yaalla nawaaxiga magaalada Muqdisho.

Booliiska Maldives ayaa sheegay in saddexda qof ay caafimaad qabaan.

Maamulka Maldives ayaa intaa ku daray in ay xiriir la sameynayaan dhiggooda Soomaaliya ay ku howlan yihiin soo celinta kalluumeysatada.