Maraykanka oo ugu hambalyeeyay Puntland doorashadii dadweyne ee laga qabtay gobolka Nugaal

 

Axad, Luulyo, 28, 2024 (HOL) - Mareykanka ayaa ugu hambalyeeyay Puntland iyo shacabkeeda doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday gobolka Nugaal.

newsinsideQoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in doorashadaas ay horumar la taaban karo u tahay geeddi socodka dowladnimo iyo dimoqraadiyad taabagal ah.

“Awoodda kumannaanka reer Puntland ay xaqa ugu u leeyihiin in ay wax doortaan waa horumar la taaban karo oo muhiim u ah geeddi socodoka ku aaddan dowladnimo iyo dimoqraadiyad taabagal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Maraykanka.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ugu hambalyaysay Puntland qabsoomidda doorashada qof iyo cod ee lagu dooranayay golayaasha deegaanka ee Garowe, Dangorayo iyo Godob jiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin doorashooyinka Puntland. Waxaa la aaminsan yahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka inuu qeyb ka yahay in Villa Soomaaliya ay ka aamusto doorashada Puntland.